Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ku dhawaaqay mashruuc cusub oo dhuun shidaal ah oo la sheegay inay isku xiri doonta deegaanka Dameer-joog ee Jabuuti iyo magaalada Dawale ee dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumeysiga Itoobiya, iyadoo la qorsheeyey in labada dhinacba laga dhiso xarumo lagu kaydiyo shidaalka.
Mashruucan oo la sheegay inay ka shaqayn doonaan Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group, ayaa waxaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay RW Abiy Axmed, M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote.
Ujeeddada ugu weyn ee dhuuntan ayaa lagu sheegay inay tahay in shidaalka la sifeeyay si toos ah loogu qaado Itoobiya, taas oo la filayo inay yareyn doonto kharashaadka iyo dib-u-dhacyada ka dhasha gaadiidka shidaalka ee hadda la adeegsado.
Baraha xiriirka bulshada ee Abiy & Geelle ayaa maanta lagu baahiyey xogta daah-furka mashruucan, oo la sheegay inuu qayb ka noqonayo qorshaha xoojinta sugnaanta shidaalka iyo tamarta ee Itoobiya, iyo hufnaanta marinka ganacsi ee labada dal.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aanu helnay, mashruucan waxaa laga yaabaa inuu xiriir la leeyahay qorshe kale oo Itoobiya doonayso inay ku daabusho gaaska dabiiciga ah ee laga helay Soomaali Galbeed, iyadoo sii marsiinaysa dalka Jabuuti.
Waxa xusid mudan in ganacsadaha reer Nigeria ee Aliko Dangote oo ahaa mas’uulka saddexaad ee dhagax-dhigga mashruucan ku weheliyey Abiy iyo Geelle, ay shirkaddiisa Dangote Group ka shaqayso sifeynta shidaalka Cayriin.
Si kastaba, dhagax-dhiggan ayaa kusoo aadaya xilli dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya ay sii laba-laxaadsadeen isla markaana saacadihii lasoo dhaafay jabhadaha hubaysani ay la wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Tigray-ga iyo Canfarta, lagana cabsi-qabo in kooxaha hubaysani ay jaraan jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti.
